Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay kulan ku saabsan dib u eegista, qiimeynta iyo dib u habeynta qaab-dhismeedka darajooyinka iyo mushaarka shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay daah furka shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri” Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hirgaliso siyaasadaha iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah dib u habeynta qaab-dhismeedka hay’adaha shaqaalaha rayidka ah iyo hannaanka maaliyadda”
Wasaaradaha shaqaalaha, maaliyadda iyo guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku ammaanay kaalinta baaxadda leh ee ay ka qaadanayaan dib u habeynta hannaanka maamul wanaagga, maaliyadda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shaqooyinka muhiimka ah loo qaato shaqaalaha rayidka ah ee khibradda iyo aqoonta leh
Shirkaan maanta uu daah furay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya xilli xukuumaddii isaga ka horeysay ay tirakoob ku sameysay dhammaan shaqaalaha Dawlada si loo ogaado Tayadooda iyo mushaarka ay qaataan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com