Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Guddiyada ka hortagga COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.

Dowladda oo ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada.