Ra’iisul wasaare Abiy, oo digniin u diray dalal uu shegay in ay faragelin ku hayaan dalkiisa

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dib u dhacyada ku yimid doorashada guud loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

Wuxuu intaa ku daray in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan oo keliya, dadka reer Itoobiya, isagoo u digay ajinabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa. Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carrabka ku dhufan, isaga oo sheeggay olole faragelin oo xooggan iney ku hayaan dalkiisa.

Dalalka faragelinta ku haya, ayuu ku tilmaamay Abiy iney yihiin hay’ado iyo dalal dhaqaalahoodu xooggan yahay, kuwaasoo doonaya ayuu yiri iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaaneyso iyo sida loo maamulayo.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turrooyinkaas laga soo maleegayo dalalka dibadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com