Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta Xilka la wareegaya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa  inuu si rasmi ah xilka ula wareego, iyadoo dood ay ka taagan tahay cida xilka ku wareejineysa Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Guddiga qaban qaabada munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay munaasabada dhici doonto, iyadoo xilka uu wareejin doono Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xil wareejinta ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka kala wareegayo Sii haayihii hore ee Xilkaasi Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre u qoray Ra’iisul Wasaaraha cusub ayuu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, si waafaqsan sharciga, isla markaana ku wareejiyo wixii document iyo arrimo qaranka ku saabsan, iyadoo qoraalkaas uu ku ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka labada Aqal iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Aqoon yahano ayaa sheegay arrin aan sharci aheyn oo dastuurka waafaqsaneyn ay tahay in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu xilka kala wareego Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha, balse ay tahay inuu xilka kala wareego Ra’iisul Wasaarihii hore.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com