Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray Baydhaba oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la kulmay Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay kaga wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashoyinka Baarlamaanka iyo hergelinta mashaariicda horumarineed ay dowladduay u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay Baydhabo, waxaana uu sheegay in howlaha u diyaar garoowga doorashooyinka ay ku guda jiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadananaya masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto Fikradahooda ku saabsan nolosha deegaannada koofur Galbed , caqabadaha iyo Arimo kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com