Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ka hadlay dagaalka & duqeymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ee sagaalka maalmood ka socda Qaza, ay Xamaas sanado badan dib u celiyeen.
Laba shaqaale ajaanib ah oo beeraley ah ayaa lagu dilay gantaallo ay maleeshiyo Falastiiniyiin ahi ku rideen koonfurta Israa’iil Talaadadii.

Israa’iil ayaa wali sii wada duqeymaha cirka ah ee ay la beegsanayso Qaza. Daanta Galbeed, ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayay ku dileen booliska Israa’iil intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacay agagaarka Ramallah.Dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo rabshadaha ayaa xogaa guul yar laga gaaray.
Saacadihii hore ee shalay Israa’iil ayaa si kooban u furtay marinka Qaza si ay ugu oggolaato kolonyo gargaar ah inay galaan. Si kastaba ha noqotee, marinka ayaa mar labaad la xiray kadib markii halkaa lagu garaacay hoobiyaal iyo gantaallo ay soo rideen Falastiiniyiintu.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com