Ra’iisal Wasaare Xamse oo diray Hambalyo ku aadan Maalinta Dhalinyarda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo oo ku beegan curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbannaanida ay maanta ku faanayso, taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.
“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta, dib u dhiska dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka dalkooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com