Ra’iisal Wasaare Rooble oo ugu baaqay Hay’addaha Amniga in si deg deg ah ay u Furaan Isgoyska Dabka

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka oo xalay la xiray.

Ra’isul wasaare Rooble oo bartiiisa faceboka ku daabacay qoraal ayaa faray hay’addaha amniga inay si deg deg ah ufuraan wadada danka.

Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada ayuu yiri’ Ra’iisal Wasaare Rooble.

Hadalkaan ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa imaanaya ka dib markii hay’adaha Amniga xalay dhagaxyo ay dhigeen bartamaha isgoyska Dabka taasi oo xanibtay isu socodka Gaadiid Dadweynaha ee wada dabka isticmaala.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com