Ra’iisal Wasaare Rooble oo sheegy in Hakad uu ku yimid doorashooyink dalka

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ugu horeyn bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga,isagona sidokale Raโ€™iisul Wasaarahu soo hadal qaaday halka ay marayaan arrimha doorashooyinka dalka

Raโ€™iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu gaabis wali uu ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan isagona ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka waxa una faray xubnaha Maamul Goboleedyada in soo dadajiyaan doorashada sid dalka uu u helo isbadal,sidoakle waxa uu tilmaamay in hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo walibaย  masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashoouinka awgeed,waxa uu shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale hadalay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa ย uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com