Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee maanta ka Furmaya Muqdisho
Ra’iisal Wasaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Ugubaaqay siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan, Waxaana uu u mahadceliyay intii taageertay dadaalada uu wado.
Shirka ka Fumaya Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo is afgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha.
Xafiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub,com