Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmy Madaxweynaha Dalka Jabuuti

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda waxa uu ka dhacay maanta madaxtooyada Jabuuti iyadoo ay kawada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska  Soomaaliya isagoo sidoo kale ku amaanay madaxda iyo shacab weynaha Jabuuti sida ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda iyo nabad ilaalinta ciidankooda ujooga soomaaliya.

Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle ayaa ballan qaaday in aysan joojin doonin taageerada walaalnimada ku saleysan ay Soomaaliya ufidiyaan.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com