Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku bogaadiyay Galmudug qabashada doorashada Golaha shacabka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS oo haatan ka billaabanaysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Mudane Rooble, oo ka hadlayay Casha sharaf uu Xalay u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweyntii ay walaalihii Galmudug u sameeyeen iyo sidii ay ugu shaqeeyeen dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS.

Waan ka mahadcelinayaa sida diirran ee naloogu maamuusay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul ayuu yiri Rai’iisal Wasaare Rooble .

Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka JFS. Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com