Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka Taxsiyadeeyay geerida gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi udiray ehelkii uu ka baxay Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gor-Gor.
“Allaha u naxariisto walaalkeen Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid oo maanta geeriyooday isagoo dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacaya cadow horor ah, Qoyskiisa iyo Qarankaba samir iyo iimaan Allaha ka siiyo, isagana jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo. Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Dagaalkaan ka dhacay Tuulada War Ciise ee Bariga Magaalada Jowhar ayaa sababay khasaare kala duwan wallow Alshabaab ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com