Ra’iisal wasaare Rooble oo ka mahadceliyay taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta ee la xiriirta shirka ka socda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.

Shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa galay maalintii labaad.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro isu tanaasul, is qancin iyo walaaltinimo si ahmiyadda loo siiyo badbaadada Shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u aado doorasho la isla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.
Xubno ka Tirsan murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com