Ra’iisal Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble  Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed isagoo uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan. Iyaga iyo qoysaskooda waxaa u urajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

“xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh” ayuu yiri RW Rooble

Munaasabada Maalinta shaqaalaha Aduunka ayaa looga dabaal dagayaa soomaaliya iyo dalal kale e Caalamka..

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@araticusub.com