Ra’iisal wasaare Rooble iyo wafdi uu Hogaamniyo oo maanta ku wajahan Dalka Jabuuti

Ra’iisulwasaarahaXukuumadda  Federaalka Soomaaliya , Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaraan magaalada Jabuuti.

socdaalka  Ra’iisulwasaaraha dalka ayuu ujeedkiisu yahay inuu soo xiro kulan dood cilmiyeed ah oo maalmahan uga socday magaalada Jabuuti aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo xubno ka mid ah Ururrada bulshada, kaasoo uu soo qabanqaabiyay maxadka cilmi-baarista Heritage.

Dood-cilmiyeedka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay xaaladaha haatan taagan qaar ka mid ah waddamada bariga Afrika iyo sida loo wajihi karo, iyadoo la dabbaqayo waxyaabihii ay Soomaaliya ka baratay dagaalladii sokeeye iyo burburkii uu dalku soo maray.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ku aaddan marxaladahi ay soo martay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga baran karo qalalaasaha haatan ka jira qaar ka mid ah dalalka gobolka.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com