Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Muasharixiinta oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu lam kulmo Midowga Musharixiinta Muxaaradka

Kulankan ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Hotel Decale oo ku yaala garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb geli doona kulankaas dhammaan xubnaha Midowga Musharixiinta

Kulanka maanta  ay isugu imaanaya midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku soo aaday xilli weli muran uu ka taagan yahay qabashada doorasho wada Ogol ah

Hase , ahaate Warar ayaa sheegaya in kulanka Musharxiinta iyo Ra’iisal Wasaare Rooble uu daba socdo kulankii Wakiilada Beesha Caalamka ay  khadka Zoomka kula yeesheen  RW Rooble oo ay kala hadleen dar dargelinta shirarka doorshada looga hadlayo waxaana kulanka maanta Ra’iisal Wasare Rooble uu la yeelanayo Musharixiinta ka dib uu shir isugu yeeri doona RW Rooble Madaxda Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com