Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo lagu xiray Magaalada Hargeysa

Wararka ka  Imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada soomaaliland ay xireen R/wasaare kuxigeenkii hore ee soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Ciidamada ayaa Maxamed Carte ka xiray markii uu ka degay maanta garoonka diyaaradaha cigaal Ee Magaalada hargeysa.

Lama sheegin loo xiray Siyaasigaan iyadoo dhowr jeer hore xubno xilal uga soo qabtay Soomaaliya markii ay tegeen Hargeysa la xiray.

Sargaal diiday in magaciisa la xigto oo booliska soomaaliland katirsan ayaa sheegay in Maxamed cumar carte loo xiray markii uu ku safrayey baasaboorka diblomatica soomaaliya.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com