Ra’iisal wasaaraha la magacaabay oo Codsi U jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  markii ugu  horraysay farriin uu soo diray, Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ka codsaday, in ay siiyaan Codka Kalsoonida.

Waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale xalay la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Maxamed Mursal Shiekh Cabdiraxmaan, ku xigeenkiisa Kowaad  Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaanno kale.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ,ayaa sida qorshaysan Isniinta soo socota hortegi doona Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida, kadibna waxa uu soo dhisi doonaa xukuumad cusub.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com