Ra’iisal wasaaraha Dalka Pakistan oo laga helay Cudurka Covid19

Ra’iisal wasaaraha Dalka Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, Ra’iisul wasaaruha ayaa  qaatay tallaalka COVID-19.

Imran  ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xiriirka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan.

Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka miod ahaa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan.

Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xirneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com