Ra’iisal Waraare Rooble oo maanta khudbad ka jeedinaya Golaha shacabka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xildhibaanada Golaha shacabka ka horjeedin doona khudbad uu kaga hadlayo Wax qabadka boqolka maalmood ee Xukuumaddiisa ay ku talaabsatay.

Gudoonka Golaha shacabaka ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Fariin gaarsiiyay taasi oo la xiriirta in ay u diyargaroobaan dhageysiga khudbada Ra’iisal Wasaare Rooble.

Hase ahatee ‘ Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulanka Baarlamaanka ee la xiriira dhageysiga khudbada Ra’iisal Wasaaraha waxaana warar aan la hubin ay sheegayaan in Ra’iisal Wasaaruhu Muddo kordhin uu weydiisan doono Xildhibaanada maadaama waqtiga Xukuumadda ay heysati uu ahaa mid gaaban isalamarkaana waqtiigii uu ka dhacay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com