R/Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo maanta ku kulmaya Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho

Kulanka ayaa  la sheegayaa in looga hadli doono dhameystirka Heshiisyadii  hore ay u gaareen midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dadaal badan ku bixisay sidii looga baaqsan lahaa xiisado siyaasdeed oo dalka ka dhaca waxaana taas badalkeeda ay heshiis la gashay midowga musharixiinta taas oo soo Afjartay isku dhacyo dhexmara mucaaradka iyo Ciidanka Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com