R/W Rooble oo maanta la kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni+Xog Akhriso

R/w Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeelan doona Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka ayaa ka dhacaya hotel ku yaala xerada Xalane, waxaana goob jog ka noqonaya ah beesha caalamka, sida ay xogta ku heshay warbaahinta aragticusub.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilada beesha caalamka ay si gaar ah ula kulmayaanXubnihii , ku guuleystay inay labada dhinac aqbalaan isa soo hor-fariisigooda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaro xaaladda cakiran ee dalka ee dhinaca khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo Muddo ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeeda damaca madaxweyne Farmaajo uu ku doonayo in markale uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com