Qubaro u dhashay dalka Mareykanka oo shegay in cudurka Covid-19 oo soconayo mudo 2-sano ah 

 

Saynisyahano ku sugan dalka Mareykanka oo wax ka dhiga jaamacada ku taalla Minnesota qeybta Cilmi baarista Cudurrada iyo Siyaasadda ayaa ayaa saadaaliyey in Xanuunka Coronavirus uu soconayo mudo labo sano ah oo ku eg sanadka 2022-ka.

Warbixinta ay soo bandhigeen Seynisyahanadan u dhashay Dalka Mareykanka ayay ku sheegeen in Xanuunka uu ku dhici doono boqolkiiba 60 ilaa 70 dadka ku nool caalamka ka hor inta uusan si toos ah u dhamaanin.

“Feyruska dunida kama dhamaan doono illaa uu ku dhaco 60 illaa 70 boqolkiiba dadka caalamka ku nool” ayuu yiri Mike Osterholm, oo ah agaasime ka tirsan Jaamacadda Minnesota.

Hadalkan kasoo baxay seynisyahanadan u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo Dadka ku nool dunida ay sugayaan waqtiga dib loo furayo kala xirnaanshaha caalamka.

Cudurkan ayaa dunida geliyey khasaare Maaliyadeed oo ka badan balaayiin dollar, waxayna qaadan doontaa in laga soo kabto muddo aad u fog .

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com