Qoysas Yemaniyin ah oo ka soo cararay Dalka Yeman oo gaaray Magaalada Boosaaso

Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemenyihiin, oo ka soo cararay colaadda ka jira Dalka Yeman, ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,

Xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilay doonn  siday Qoyasaskaasi Qaxootiga ah oo gaaraya 164 Qoys, kuwaas oo u badan Haween iyo Carruur, sida lagu sheegay Qoraaal ka soo baxay Wasaaradda.

Qaxootiga ayaa ka soo carara dalka Yemen, oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin, ayaa lagu diiwaan-geliya xarun qaabilsan Qaxootiga oo ku taalla gudaha Boosaaso, ka hor inta aan dib u dejin loo samayn.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com