Qoor Qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Maamulkaa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka qayb galay munaasabadda Caleema saarka Maamulka cusub degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo hadal qaaday Hawlgallada degaanada Galmudug looga saarayo Alshabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ugu ku baaqay in aan look ala harin xoreynta degaannada Galmudug isaga oo ku dhiira geliyay madaxda, maamulka iyo shacabka dega degaannada dawlad goboleedka galmudug in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab  ee ka socda gobolka Mudug

Sidoo kale ‘ Madaxweyne Qoor Qoor  ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Guriceel isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.