Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka hadlay go’aankii ay Galmudug iyo HirShabeelle ay ku diideen mudo kororsigii loo sameeyey hey’adaha dowladda Soomaaliya ee Waqtigooda uu dhammaaday , Waxaana uu sheegay sheegay in mowqifka Galmudug uu markii horeba ahaa in aysan Ogoleyn Muddo kororsiga .
Madaxweyne Qoor Qoor warkaan sheegay ka dib waraysi ay la yeelatay laanta Afka Soomaalida ee
“Waxaan rajeynayaa in dhibku halkaas ku istaago, wixii dhacayna ay nasiib darro ahaayeen, Soomaalina laga samata bixiyo caqabadaha ka soo wajahay doorashada iyo dib u dhaca jira, waxaan sidoo kale rajeynayaa in dhamaan wixii la qorsheynayey ee danta umada aysan ku jirin laga waantoobo,” ayuu yiri Qoor Qoor.
Hadalka Qoor Qoorcv ayaa ku soo aadayav xili shalay go’aan si wadajir ah Muddo kororsiga uga wada qaateen Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com