Qoor Qoor oo bilaabay wada-hadalo lagu xalinayo shaqaaqo ka dhatay dil Sheekh Caan ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday Magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka bilaabay wada-hadallo lagu xalinaayo Shaqaaqo ka dhalatay dil loo geystay Sheikh Cali Axmed faarax ( Sheikh Calidheere).

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay Odayaasha & waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Khamiistii todobadkii hore Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii degaan hoostaga Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheikh Cali Axmed faarax ( Sheikh Calidheere), iyada oo banaanbaxayaasha ay dalbanayeen in Cadaaladda la horkeeno dadkii dilka geystay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa oo uu wehlinayo aliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen: Cismaan Abdulahi Maxamed (kaniif) ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan Saraakiisha Ciidamada & Maamulka degmada si baaritan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay dilka Sheekh Cali Dheere.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka rtaagneyd xiisada ka dhalatay dilka loo geystay Sheikh Cali Axmed faarax ( Sheikh Calidheere)., iyada qeybaha kala duwan ee Bulshada ay sheegeen inay aad uga xumaadeen dilkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com