QM oo baaq deg deg ah kasoo saartay dagaalada ka dhacay Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujisay dagaalada saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageersan mucaaradka ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan rabshadaha ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyaga oo dhinacyada ugu baaqay inay xaalada dejiyaan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in rabshadaha aysan xal noqoneyn, waxaana Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com