QM iyo Beesha Caalamka oo sheegay in aysan Taageeri doonin Muddo Kororsi iyo Doorasho Hal dhinac ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in beesha caalamka aysan taageeri doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha DawladaSoomaaliya  ee  muddo xileedkoodu uu dhammaaday iyo  Hanaan doorashooyin is-barabar socda iyo kuwa hal dhinac ah.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u qornaa Sidaan:

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Sidoo xogahayaha guud ee QM Antonio Guterresayaa shalay qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Khilaafka siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale xogahayaha guud ee QM Antonio Guterresayaa ,Waxa uu sheegay in is-mari waaga sii daba dheeraaday uu halis ku yahay xasilloonida Soomaaliya.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladahaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay yeeshaan wadahadal oo ay si dhakhso leh u qabtaan shir-madaxeedka la qorsheeyay si shuruud la’aan ah, si ay u xalliyaan khilaafaadkooda ku aaddan geedi-socodka doorashada ayna wada-ogol uga gaaraan waddada loo marayo hore usii socoshada. Wuxuu soo dhaweynayaa sida ay uga go’antahay madaxda Soomaaliyeed meel-marinta hanaanka doorasho ee 17kii Sebtember, wuxuuna ugu baaqayaa inay si dhakhso leh ugu heshiiyaan hirgelin dhakhso leh oo la hirgeiyo hanaankaas iyo qabsoomidda doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac dambe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay afhayeenka QM.

Warkaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa imaanaya iyadoo uusan Qabsoomin shirkii la filayay in teendhada Xerada Afisiyooni uu ku dhexmaro Dawlada Federaalka ee waqtigeeda uu dhamaaday, Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ka dib markii markii madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubland ay qaadeceen ka qayb galka shirkaasi.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com