Oslo, Warbaahinta madaxa banaan ee Norwey ayaa shaaciyay in dhawaan wadanka soo gaari doonaan Qaxooti cusub.
Qaxootigaan ayaa laga soo qaadan doonaa Wadanka Gariiga.
Mas,uuliyiin dowlada ka tirsan ayaa haatan ku sugan wadankaas si ay u soo qaataan Konton ka mid ah Qaxootiga faraha badan ee ku noolaa Xero bilo ka hor gubatay ee lagu magacaabo Moria.
Xubno ka tirsan waaxda booliska (Politiets utlendingseining (PU) ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin wadanka Gariiga.
Dowlada Erna Solberg ayaa hore u balan qaaday in ay soo qaadan doonaan sedex kun Qaxooti ah sanadkaan aynu ku jirno.
Xafiiska Wararka,Oslo.
Info@aragticusub.com