Qareen u dhashay dalka Kenya oo ka horyimid go’aanka dawlada Kenya ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga

Qareen u dhashay Dalka Kenya ayaa ka hor yimid go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xero-qaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda Reuters.

2 Asbuuc  ka hor wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay  in Dawlada Kenya ay dooneyso in la xiro xeryaha, waxaana uu siiyay hey’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku flineyso, isaga oo intaa ku daray in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xiridda xeryahan.

Xukunka uu garsooruhu soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda muddo bil ah. Arrintan ayaa timid markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha.

Kiiska la xiriira qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamada.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan iyo qaar  dadkaasi ka mid ah  oo  ka yimid Koonfurta Suudaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com