Qaraxyo laga maqlay agagaarka Xarunta Villa Hargeysa oo kulan ka socdo

Qaraxyo ayaa waxaa laga maqlay agagaarka Xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay kulan kulahaayeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wariyeyaasheena ku sugan Xarunta Villa Harfeysa ayaa sheegaya in Albaabka laga galo Xarunta Villa Hargeysa ay kusoo dhaceen Hoobiyeyaal, isla markaana ay ku dhaawacmeen Shaqalo kamid ah Xarunta.

Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa xilligaasi ugu baaqay Xildhibaannada in aysan banaanka u bixin, waxaana intaasi kadib kulanka ka dhashay buuq xoogan, iyada oo Wararka qaar ay sheegayaan in buuq iyo gacan hadal uu hareeyay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guddoonada Kumeel aarka ah ee labada Aqal ay kulanka isaga soo baxeen markii uu uuqa xoogeystay, taas oo keentay in Kulanka uu xirmo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com