Qarax Xooggan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay,

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayada luul Yemani ee ku taala degmada Xamar Jajab gaar ahaan nawaaxyiga dekadda Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa Jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magaalada Muqdisho waxa uuna geystay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Dad shacab ah oo ku sugnaa  gudaha maqaayada iyo Hareeraheeda.

Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay Islamarkaana Halkaasi baaritaano ka sameeyay

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com