Qarax Miino oo lala eegtay Gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Ciidan Dawlada

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay Qarax ka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degmada Deyniile waxana lala eegtay baabuur nuuca raaxada ah oo uu la socday sarkaal ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo ilaaladiisa

Sarkaal ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Bariis waxaana uu ku geeriyooday qaraxa oo ahaa miino iyadoo ilaaladii la socotay ay ku dhaawacmeen qaraxaasi

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka aya Meydka Sarkaal iyo illaaladii la socotay oo dhaawac ah ka soo qaaday halka qaraxa uu ka dhacay ee laamiga cusub ee degmada Deyniile.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo kordhayay Qarayada iyo dilalka loo geysanayo Askarta iyo saraakiisha Dawlada .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com