Qarax khasaare geysty oo lala beegsaday kolonyo Gaadiid ah oo la socotay Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kolonyo Gaadiid ah uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolkasi, Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii qarax xoogan lagula eegtay deegaanka Tixsiile, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo saartay saraakiil ka tirsan ciidamada Danab .

Warar dhgeeraad ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan saddex sarkaal oo labo ka mid ah ay yihiin Cadaan, halka mid saddexaad uu yahay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen Ciidamo kale oo isugu jiro Caddaan iyo Soomaali, sida Warbaahinta Aragticusub ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kal soon yahay.

Lama Oga khasaaraha kale ee ka dhashay Qaraxa inkastoo ay jiraan mas,uuliyiin kale Kolonyada qaraxa lala eegtayka tirsanaa  oo ka amba-baxay Afgooye ayaa gaaray markii dambe degmada Wanlaweyn oo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagneyd xiisad xoogan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com