Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya  maanta Halkaas uu ka dhacay qarax khasaare geystay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu Aaasay oo lala eegtay baabuur  ay wateen ciidamao ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogyaal ayaa xaqiijiyay inay arkayeen askar dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhashay qaraxaas.

Qaraxa kadib ayaa la joojiyay isku socodka Dadka iyo Gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Ceelaha Biyaha iyo Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay.

Wadada U dhexeysa  Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhawr jeer oo hore qaraxyo miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com