Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah-faahino dheeraad qarax  maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaana  uu ka dhacay aagga waddada Jaalle Siyaad, sida ay  goobjoogayaal noo sheegeen .

Wararka ayaa sheegaya qaraxan lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, kaas oo waddada marayay xilliga uu dhacayay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalada ee la socday kolonyadiisa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxaan ay ku dhinteen 2 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com