Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso

Qaraxa ayaa  la sheegay in uu ahaa Bam Gacmeed ayaa Caawa laga maqlay agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso, kaas oo aan wax khasaaro ah geysan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Goobta Bamka lagu tuuray uu kuyaallo Hotel Jaabir, halkaasi oo ay ka socotay xafladda daahfurka diiwaangelinta doorashada Beri lagu balan sanyahay in ay ka bilaabato Magaalada Boosaaso.

Taliska Booliska Dowlad Goboleedka Puntland oo War kasoo saaray weeraekaasi Bambaano ayaa sheegay in Koox qaswadayaal ah ay weeraekaas ka dambeeyeen, balse aysan geysan wax khasaaro ah.

Dhinaca kale’ Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in abaare 8:20 PM fiidnimo caawa koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan.

Ciidanka Booliska ayaa goobta gaaray waxayna wadaan baaritaan arrintaa ku saabsan.

Guud ahaan dadweynaha magaaladda Boosaaso iyo Puntland waxaanu ku wargelinayaa in cid walba falal amniga lid ku ah geysta gacanta lagu soo dhigayo, sharcigana ha hor-geyn doono.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com