Qarax ka dhacay Dalka Indoneesiya

2 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay afaafka hore ee kaniisad ku taalla caasimadda Indonesia ee Makassar.

Booliska waxay sheegeen in 14 qof kalena ay ku dhaawacmeen  labo qof oo isa soo miidaamiyay oo beegsaday dad saaka ka baxayay kaniisadda isla markaana ay ku dhinteen qaraxa.

Weerarro dhowr ah ayaa horraan ka dhacay Indonesia, waana dal ay ku nool yihiin muslimiin badan.

Wasiirka arrimaha diinta Indonesia ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuu ugu baaqay booliska inay sare u qaadaan howlgallada lagu ilaalinayo amniga goobaha cibaadada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com