Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay ruux waxyaalaha qarxa isku soo xirey oo laga shakisan yahay inay ahayd haweeney.

 

Qaraxan ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka mid ah kuwa nabad sugida ee loo yaqaan dhar cadda oo ku sugnaa wadada Soddonka ama wadada ciidamada qalabka sida. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in

qaraxan lagu diley taliyihii ciidamada dhar cadda ee degmada Howlwadaag kaasoo magaciisa lagu sheegay caanogeel.