Qarax Dad shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Deeyniile

Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolkaan Banaadir ayaa sheegaya in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxa ayaa ahaa miino nuuca ramuudka laga hago ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta degmada Deyniile.

 

Xog ay heshay warbaahinta aragticusub ayaa sheegeysa in Qaraxa lala eegtay Baabuur uu la socday xogyahaya degmada Deyniile Mahad Sharaawe.

Qaraxa ayaa waxaa ku naf waayay 4 Ruux inta la ogyahay shacab ah isalamrkaana ka agdhawa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxaasi ka dib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamo ka Tirsan dawlada Soomaaliya oo Hawlgalka halkaasi ka sameeyay .

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com