Qarax ka dhacay Kismaayo oo , uu ku geeriyooday Xildhibaan.

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, oo lagu dilay Allaha u naxariistee Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Gaari nooca raaxada oo uu lahaa oo qaraxa loogu soo xiray ayuu kula qarxay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano, waana daqiiqado yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa kursigii uu ku fadhiyay Xildhibaanka, oo halkaasi ugu geeriyooday dhaawacyo culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Jugta qaraxa oo baqdin geliyay dadka deegaanka ayaa fiidnimadii horeba bilaabay in ay guryahooda ku xaroodaan.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano ka sameeyay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyagoona kolkii dambe halkaasi ka jiiday gaariga.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ka tirsanaa. Shabaabku waxay sheegeen in Xildhibaanku uu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com