Qaramada Midoobay oo shaacisay in ay gacan ka geysan doonto Sugida Amniga Doorashooyinka Soomaaliya

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  James Swan, oo  kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, ayaa ballan-qaaday in Xafiiskiisu Soomaaliya ka caawin doono Sugidda Amniga Doorashooyinka

Kulanka labada mas’uul, ayaa sida weyn loogu faaqiday kulanka isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, iskaashiga dhanka Amniga iyo qorshaha Ammaan ee doorashooyinka soo socda.

Qaramada Midoobay, ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageertaa dhinacyop dhowr ah oo ay ugu horreeyaan dhinacyada Ammaanka iyo sidoo kale dhanka Taageerada xaaladaha Bani’aadanimo

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com