Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay dagaalka Laas Caanood

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyokuwa degaanka .

Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay gaari karto ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Inta badan dadka halkaas u qaxay waa carruur, dumar, haween uur leh iyo hooyooyin naas nuujinaya ilmahooda. Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay kasoo tageen qoysaskooda.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Intaas waxaa sii dheer in dad ka badan 180,000 oo qof la aamisan yahay iney ku barakaceen gudaha ayna daggan yihiin 66 xero qaxooti oo ku yaalla Somaliland.

Dagaalka Laas Caanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale sida ay sheegeen dhaqaatiirta laascaanood ku sgan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com