Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Xaalada Cakiran ee Muqdisho

Qaramada Midoobay, ayaa shaacisay  in ay ka walaacsan tahay Rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho, oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya  iyo mucaaradka ka soo horjeeda.

Qoraal kaan ka  soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay  ee Muqdisho , ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada  oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.”

sidoo kale Qaramada Midoobay, ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada, in ay si sdeg deg  ah in dib ugu laabtaan wada-hadalka , si heshiis looga gaaro is marin-waaga ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Rabshaddu xal uma aha is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com