Qaramada midoobay oo walwal ka muujisay sharci la horgeyay Baarlaamka Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay sharciga Dambiyada Galmada oo shalay la horgeeyay Golaha Shacabka, dood iyadoo xildhibaanada Golaha shacabka ay dib u celiyeen sharcigaasi

Xildhibaanada Golaha shacbaka baarlamaanka soomaaliya waxa ay ku doodeen in Xeerkaan uu kahor imaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliya, sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in dib loo celiyo, maadaama dastuurka dalka uu dhigayo in wax waliba oo kahor imaanaya Diinta aan Xeer noqon Karin.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka jawaabay xeerkaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin isku dayga miiska Guddoomiye Mursal u saaray Xeerkaan ku saabsan Galmada oo uu ku tilmaamay mid cusub.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira”

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah”. ayaa lagu sheegay qoraalka Xafiiska QM iyo Beesha Caalamka

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa uu Golaha kahor sheegay in la hagaajinayo Cinwaanka Xeerka, qodobada cabashada laga qabayo iyo hab diyaarintiisaba.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com