Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaadday tirada dadkii ku barakacay daadadkii Baardhere

Daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa labadiitoddobaad ee la soo dhaafay waxa ay ka dhaceen koonfurta Soomaaliya waxana ku geeriyooday ugu yaraan 21 qof, halka 100,000 oo kalana ay u barakeceen, sido kale waxa ka dhashay burbur hantiyeed, sida ay sheegtay hay’adda bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA ayaa sheegay in dadka ay ku naf waayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ah halka dhibaatada ugu darani ay ka jirta oo roobabkii ugu badnaa ay ka da’een maalmihii la soo dhaafay.

“Daadadka ayaa sidoo kale burburiyay lix xarumood oo caafimaad, 200 oo musqulo ah, iyo afar dugsi,” OCHA ayaa sidaasi ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Waxay sheegtay in in ka badan 1,000 hektar oo dhul-beereed ah ay biyuhu qaadeen, waxbarashada in ka badan 3,000 oo carruur ahna ay hakad gashay.

Fatahaaddan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay ka jireen abaaro ba’an, taasoo keentay in in ka badan 8.25 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar bini’aadantinimo.

OCHA, Waxa ay sheegtay in roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus oo ka da’aya buuraleyda Itoobiya ay yihiin sababta ugu weyn ee kororka heerarka webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Roobabkan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo barakicisay in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah ayna ku dhinteen 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii 2021, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com