Qaramada Midoobay oo Magaalada Muqdisho ka Daahfurtay Mashruuc loogu gurmanayo Dadka Danyarta ah

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha xiriirka Bini’aaddannimada ee UN-OCHA ayaa sheegtay in laga daah furay magaalada Muqdisho qorshe balaaran oo looga jawaabayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee gacanta ka geysta gargaarka bani’aadanimo.

Qorshaha ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay in lagu caawiyo 4 malyuun oo qof kuwaas oo qeyb ka ah 5.9 malyuun oo u baahan gargaar.

Dadka la caawinayo waxaa qeyb ka ah dadka barakacayaasha ah oo ah kuwa ugu badan oo dhibaatada ay heysato.

Barnaamijkaan Un uu ka dahfury Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilii Cudurka Caronavirus oo si xooggan ugu faafayo Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com