Qaramada Midoobay oo Hambalyo soo dhaweeyn ah u dirtay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadija Maxamed Diiriye.

Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisaha guud ee ay Soomaaliya wajaheyso.

Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadayaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com